Kooxda Real Madrid Oo soo Afduubatay Xiddig Lagu naanayso Roberto Carlos-ka cusub

Kooxda Real Madrid Oo soo Afduubatay Xiddig Lagu naanayso Roberto Carlos-ka cusub

REBORTA CORLAOSKA CUSUB

Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa la soo saxeexatay difaaca u dhashay wadanka Brazili kaasi oo u qaab ciyaareed eg xiddigii hore ee kooxdaasi Roberto Carlos. Xiddigan oo lagu magacaabo Abner Felipe Souza de Almeida oo loo yaqaano Abner ayaa xidhan doona funnaanada cad ee kooxda Real bale marka hore waxaa uu soo marayaa kooxda labaad ee Real Madrid Castilla isaga oo beeca xorta ah lagaga soo qaatay kooxda reer Brazil ee Coritiba. Difaaca bidix ayaa waxaa si aad ah u danaynayay dhowr kooxod ay Arsenal ugu horayso balse waxaa uu jeclaystay kooxds Real iyada oo lagu naanayso “Roberto Carlos-ka cusub ee dunida”. Abner ayaa kula soo biiri doona kooxda waawayn hadii uu ka soo boxo heerka labaad xiddiga kale ee reer Brazil Marcelo kaasi oo ka mid ah xiddigaha koowaad ee kooxda ku ciyaarta Santiago Bernabeu. 18-jirkan ayaa ka tirsan qaranka xulka Brazil ee 17-sanno jirada waxaana uu noqonayaa saxeexii saddexaad ee maalmo gudaheeda Real Marid la soo wareegto, kadib markii ay kooxda heshiisyo la gaadhay xiddigaha James Rodriguez iyoToni Kroos.