Ku baraarug Weerarkan Halista Badan Ee Kumbiyuutarkaaga Ku Soo Socda!!

Ku baraarug Weerarkan Halista Badan Ee Kumbiyuutarkaaga Ku Soo Socda!!

Computer viruses that extort you

Waxaa soo baxay mid ka mida Fayrasyada (Virus) weerara Kumbiyuutarka oo lagu tilmaamay cudur daran, ka dib markii la arkay inuu wato halis baaxad leh oo Kumbiyuutarka haligeysa. Fayruskan ayaa wuxuu weerarayaa isla markaana xidhayaa Kumbiyuutarka, mana ogolaanayo in dib loo shido illaa uu milkiilaha Kumbiyuutarku iska bixiyo lacag. Waxaa la sheegay inay aad u adagtahay ka hortagga iyo cidhib-tirka Fayruskan cusub ee dhibaatadiisu ay dunida kusii baaheyso. Xafiiska baadhista federaaliga ayaa bishii May ay tagtay wuxuu ka shaqeeyay sidii loo hakin lahaa howlgal loogu magac daray Cryptolocker. Balse waxaa muuqda in dadaaladii lagu doonayay badalidda xarumaha uu kasoo fulo Fayruska ay noqdeen kuwo aan wax badan tarin. Khubarada ayaa sheegay in badalitaanka uu Xafiisku ku sameeyay aaladaha ay kooxaha burcaddu sameeyaan aanay dilin Fayruska, balse ay bedeshay habkii uu ku gudbayay. Howlgalku ma noqon mid fudud markii ay dadka ku howlan Cryptolocker ay u suurtowday inay 9 bilood gudahood galal ama (Files) uga xadaan dad ka badan 400 kun oo qof isla markaana ay mid kastoo dadkaas ka tirsan u waydiisteen lacag gaareysa 300 dollar oo 3 maalmodo gudahood lagu bixinayo si mar kale loogu furo Kumbiyuutarkooda.In yar oo dadkii lagu xad-gudbay ah ayaa bixiyay lacagta la waydiistay oo markaasna dib u helay Dukumiintiyadoodii.Kuwii wax bixin waayayna waxaa gebi ahaanba laga tirtiray xogtii ugu jirtay Dukumiintiyada. Iyadoo taasi ay u sahashay kuwii wax xaday inay helaan lacag gaareysa 4 milyan oo Dollar. Khubaro ka tirsan xafiiska nabadgaliyada xogta ee shirkadda Dell ayaa sheegay in tiro yar oo ay kasoo qaateen Kumbiyuutarada yaala Mareykanka ay ku ogaadeen in wax ka badan 9 kun oo Kumbiyuutar la weeraray. Wuxuuna Keth Garfeth oo cilmi-baadhayaasha xafiiskan ka tirsani qiyaasay in dadka howlahaas xatooyada ah sameynaya ay todobaadkiiba helaan ku dhawaad 150 kun oo Dollar.