Laacibiinta Xulka Holland Oo loo ballan qaaday in la gayn doono Meel aanay hore u Tagin haddii ay Koobka Adduunka ku Guulaystaan

Laacibiinta Xulka Holland Oo loo ballan qaaday in la gayn doono Meel aanay hore u Tagin haddii ay Koobka Adduunka ku Guulaystaan

HOLAND

Shirkad Dutch ah oo ka shaqaysa arrimaha ganacsi ee hawada sare (aerospace) ayaa waxay xulka dalka ee Netherlands ugu yaboohday inay u duulin doonto hawada sar,hadii ay hantaan Koobka Adduunka 2014. Kooxda Louis van Gaal ayaa haatan taagan wareegga 8aad,dib markii ay ka soo takhaluseen Spain oo koobka sidatay balse haatan tartankiisa ka degtey oo ay 5-1 ku dubteen iyagoo sidoo kale soo maray Australia iyo Chile iyo Mexcio “Shirkad ahaan, waxaanu aad ugu faanaynaa guulaha xulka Holand ee Brazil. Bandhig qayrul caadi ahna wuxuu istaahilaa abaalmarin qayrul caadi ah,’ ayuu yidhi Michiel Mol oo ah ninka wax ka aasaasay shirkaddan oo SXC lagu magacaabo oo u warramayay, NL Times.waxaanu hadalkiisii sii raaciyey‘Waxaanu doonaynaa inaanu kooxda oo ka kooban 23 laacib iyo macallin Louis van Gaal aan gayno meel sare oo hawada ah – 103 km.” ayuu raaciyay.