Laacibka cusub ee Real Madrid Toni Kroos iyo Gareth Bale Oo farriin isku dhaafsaday Twitter-ka

Laacibka cusub ee Real Madrid Toni Kroos iyo Gareth Bale Oo farriin isku dhaafsaday Twitter-ka

LACIBKA CUSUB

Xiddiga cusub ee kooxda Real Madrid Toni Kroos iyo laacibka ugu qaalisan kubbada cagta ee Gareth Bale ayaa farriin saaxiibtinimo isku dhaafsaday barta Twitter-ka “Ku soo dhawoow kooxda Toni Kroos, hambalyana ku guuleysiga koobka adduunka”Ayuu Bale ku soo qoray boggiisa Twitter. Kroos ayaa isna gaabin isagoo ugu soo jawaabay “Mahadsanid!!! Waan ku faraxsanahay inaan kula ciyaaro sannadaha soo socda”. Toni Kroos oo isagu ka mid ahaa xiddigihii xulka Germany u suurto-galiyay inay ku guuleystaan koobka adduunka ee lagu marti galiyay Brazil ayaa ka soo dhaqaajiyay kooxda Bayern Munich isagoo ku soo biiray Real Madrid.