Laacibkii dhaawacay Neymar Ee Zuniga Oo Ilaalo gaar ah loo sameeyay

Laacibkii dhaawacay Neymar Ee Zuniga Oo Ilaalo gaar ah loo sameeyay

NAYMER DHAWACAY

LaacibkaXulka Qaranka Colombia iyo kooxda Napoli Juan Zuniga ayaa loo sameeyay Ilaalo gaar ah oo naftiisa difaacda markii hanjabaadyo dil ah ay soo gaadheen, kaddib dhaawicii uu dhabarka ka gaadhsiiyay Xiddigga Brazil Neymar Nus dhammaadkii Koobkii Adduunka Brazil “Haatan waxaan u cabsanaynaa noloshiisa iyo midda qoyskiisa, waayo waxaa na soo gaadhay hanjabaayo dil ah oo loogu soo dirayo Internet-ka iyo Telefoonkiisa.” sidaa waxaa Lancenet u sheegay Zuniga Aabihii “Wiilkayga ku talo gal uma dhaawicin Neymar, hadda ka horna taariikhda uguma jirto in fal xun uu ku sameeyay ciyaaryahan kale, raalli gelin ayuuna ka bixiyay dhaawicii uu gaadhsiiyay Neymar.”ayuu aabihii sii raaciyey hadalkiisii.