Madaxweynaha Venezuela:”Luis Suarez waxaa loo ganaaxay wuxuu reebay Ingiriiska iyo Talyaaniga!”

Madaxweynaha Venezuela:”Luis Suarez waxaa loo ganaaxay wuxuu reebay Ingiriiska iyo Talyaaniga!”

MADAXWEY

Waxaad mooddaa in siyaasiyiinta iyo dadka caanka ah ee Latin America ay taageereen weeraryahanka Uruguay Luis Suarez oo xidhiidhka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA uu ciyaaraha joojiyay muddo afar bilood ah. Suarez ayaa garabka ka qaniinay difaaca Talyaaniga Chiellini kulankii loogu soo gudbayay wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka, taasoo Uruguay 1-0 ku reebtay xulka Talyaaniga. Madaxweynaha Waddanka Venezuela Nicolas Maduro ayaa isna ka hadlay arrinta Suarez waxaana uu sheegay in ganaaxaasi uu ahaa mid khaldan“Suarez sinnaba way u cafin waayeen waayo wuxuu Koobka Adduunka ka reebay laba xul oo waaweyn Ingiriis iyo Talyaani, kaddibna waxay ku soo oogeen dacwaddaas.” Ayuu yidhi Madaxweyhnaha Venezuela Maduro.