Maxaa ka jira inuu bur-buray xidhiidhkii ka dhaxeeyay C. Ronaldo iyo saaxiibadii Irina Shayk ?

Maxaa ka jira inuu bur-buray xidhiidhkii ka dhaxeeyay C. Ronaldo iyo saaxiibadii Irina Shayk ?

Kiritiyano rolando

Saxaafadda ayaa isla dhex qaaday inuu bur-buray xidhiidhka u dhaxeeya C. Ronaldo iyo saaxiibadii Irina Shayk, kaddib markii ay Irina aanu ka soo qeyb galin koobka adduunka si ay u daawato saaxiibkeeda. Waxayna sheekadu cirka isku sii shareertay markii uu C. Ronaldo ka soo hadhay koobka adduunka uu misane kaligiis damaashaadka u aaday xeebaha dalka Greece iyadoo Irina Shayk ay iyana iska sii wadatay howlo ay u joogtay dalka Mareykanka iyadoo gudaneysay qeyb ay ku lahayd filimka Hercules. Si kataba ha ahaatee Irina ayaa beenisay wararkaa iyadoona sheegtay inuu taagan yahay xidhiidhka u dhaxeeya iyada iyo C. Ronaldo isla markaana soo dhigtay boggeeda Instegram-ka sawir ay iskula jiran iyada iyo saaxiibkeeda