Maxaad Kala Socotaa Qiimaha Lagu Daawan Karo Kulamada Kooxaha Ugu Waa Wayn Horyaalka Ingiriiska?

Maxaad Kala Socotaa Qiimaha Lagu Daawan Karo Kulamada Kooxaha Ugu Waa Wayn Horyaalka Ingiriiska?

QIIMAHA

Iyadoo uu soo dhaw yahay bilawga xili ciyaareedka cusub, ayaan qormadeenan ku eegaynaa qiimaha lagu daawan karo kulamada ay ciyaarayaan kooxaha ugu dunka wayn horyaalka ingiriisku. Ugu horayn waxaan idin xasuusinaynaa in garoomada lagu ciyaaraa ay lee yihiin qaybo kala duwan oo kala qaalisan. Waxay lee yihiin qaybo lagu kala magacaabo A,B iyo C taas oo macanaheedu yahay in heerka A ugu qaalisan yahay halka C ugu jaban tahay. Kooxkasta ayaana qiimayntan oo kale leh.goobaha qiimaha daawashadoodu ugu hoosayo ee heerka C ayaa ah inta la siman meelaha korneyaasha laga soo laado.
Inkasta oo anaan halkan ku soo wada koobi karin dhamaan 20 ka kooxood ee ka qayb qaata horyaalka ingiriiska, haddana waxaan si kooban us oo qaadanaynaa todobada kooxood ee ugu waa wayn horyaalka. Sida waxaan u soo kala horaysiinaynaa sidii ay ukala sareeyeen xili ciyaareedkii dhamaaday. Fiiro gaara: walilama shaacin qiimaha lagu daawan doono kooxda man city ee haysata horyaalka ingiriiska markaa taageerayaasha Man city waa inay sidaa fahmaan. Waxaan shaxdan hoose idiinku soo gudbinaynaa qiimaha ugu sareeya, qiimaha ugu hooseeya iyo waliba celcelis ahaan kooxkasta qiimaha lagu daawan karo kulamada ay ciyaarayso. Qiimaha aan ka hadlaynaa waa qiimaha lagu iibsan karo kaadhka aad ciyaarta ku soo galayso.