Maxay Wargeysyada Faransiisku ka Qoreen Guuldarradii Xulkoodu kala kulmay dalka Jarmalka?

Maxay Wargeysyada Faransiisku ka Qoreen Guuldarradii Xulkoodu kala kulmay dalka Jarmalka?

FARANCE

Faransiiska ayaa guuldarro xanuun badan (1-0) kala kulmay xulka Jarmalka ciyaartii loogu soo gudbayay Nus dhammaadka Koobka Adduunka Brazil, waxaana sidaasi Faransiisku kaga hadhay Koobka Adduunka. Haddaba Faransiiska oo Koobkan Adduunka dar dar xoog leh ku socday ayaa hankiisii la jebiyay, waxaana goolka qudha ee Jarmalku ku badiyay daqiiqaddii 13-aad u dhaliyay Mats Hummels. Wargeysyada ugu caansan ee ka soo baxa Faransiiska ayaa durbadiiba ciwaannadooda hore ku soo qaatay dhirbaaxadan xanuunka leh ee ku dhacday xulka dalkooda gaar ahaan qaybahooda online-ka, waxaana dhammaantood ay ka wada sinnaayeen “Faransiiska oo la reebay tartanka koobka aduunka iyo siduu noqon xaalka tababaraha xulku iyo kalmado la mid ah..