NIN SOMALI AH DACWAD KU OOGAY SAFAARADDA DALKA QATAR EE LONDON IYO GO’AANKA MAXKAMADDA OO DIB LOO DHIGAY

NIN SOMALI AH DACWAD KU OOGAY SAFAARADDA DALKA QATAR EE LONDON IYO GO’AANKA MAXKAMADDA OO DIB LOO DHIGAY

NIN SOAMLI


London(Salaanmedia.com)-Nin Soomaali ah oo ilaaliye ka ahaa Safaaradda dalka Qatar ku leedahay Ingiriiska oo sheegay inuu aflagaaddo iyo midab-takoor kala kulmay Saraakiisha Safaaraddaas, ayaa dacwadda uu Maxkamadda u gudbiyey loo muddeeyey go’aan ka gaadhisteeda sannad ka dib.

Sida lagu daabacay Wargeyska London Evening Standard shalay, ninkaa Soomaaliga ee haysta dhalashada Ingiriiska Maxamed Axmed oo 73 jir ah, oo la sheegay inuu ilaaliye ka ahaa Safaaradda dalka Qatar ee London muddo 20 sannadood ah, ayaa sheegay in Sarkaalka Safaaradda u qaabbilsan Caafimaadku Abdullah Al-Ansari luuqadda Af-Carabiga ugu yeedheen “Ey” iyo “Dameer, una gudbiyey Maxkamadda Xuquuqda Shaqaalaha London dacwad ka dhan ah Safaaradda Qatar.
Safaaradda dalka Qatar ee London, ayaa beenisay eedaha ninkan Soomaaligu sheegay inay ku aflagaaddeeyeen, Shaqadiina kaga saareen sifo khaldan. Afhayeen u hadlay Safaaradda, ayaa yidhi; “Eedaha Mr. Axmed gebi ahaan waa been. Ma jirto Sifo khaldan oo loola dhaqmay, loo aflagaaddeeyey ama midab-takoor loogu sameeyey. Ma jirto eedahaasi. Inankiisa iyo xubno qoyskiisa ah weli way ka shaqeeyaan Safaaradda.”
Maxkamadda haysa Dacwadda ninkan, ayaa sheegay inay hakiyeen gelitaanka dacwaddan, illaa inta Maxkamadda sare go’aan ka soo saarayso in Safaaraddu leedahay dhowrsanaan aan dacwaddan lagu oogi karin iyo inkale. Afhayeenka Safaaradda Qatar iyo Madaxa Caafimaadka Safaaradda Mr. Al–Ansari, ayaa sheegay inay la yaabeen eedaha loo soo jeediyey, isla markaana sheegay in xidhiidh wada shaqeyn wanaagsan u dhexeeyey Mr. Ahmed.
Qareenka ninkan Soomaaliga ah Audrey Onwukwe, ayaa yidhi; “Waxaan filayaa inay khalad tahay in ajaanibka u shaqeeya Safaaradaha dibeddu ay waayaan ilaalinta sharciga ee shaqaalaha kale haystaan.”
Afhayeen u hadlay Maxkamadda Racfaanka London, ayaa yidhi, “Dhegeysiga dacwadda ee Maxkamadda Xuquuqda shaqaalaha London wuu socdaa. Eedahu waa midab-takoor iyo aflagaaddo. Waxaan kuu caddeyn karaa in kiiskan la hakiyey illaa go’aan ka soo baxayo Maxkamadda sare..”