Qaylo dhaan durba laga keenay Abaalmarintii Xidhiidhka FIFA gudoonsiisay Lionel Messi!!

Qaylo dhaan durba laga keenay Abaalmarintii Xidhiidhka FIFA gudoonsiisay Lionel Messi!!

Lion Mazzi

Kadib markii FIFA ay gudoonsiisay Lionel Messi oo Argentina kabtan u ah, laacibka ugu wanaagsan Koobka aduunka Golden Ball,ayaa waxaa arintaasi dood ka keenay, qaar ka tirsan ciyaaryahano hore kubadda cagta u soo maray oo iyagu aaminsan in la dhinac mariyey xiddigo kale oo mudnaa abaal marintaasi. Messi ayaa inkastoo 1-0 lagaga guuleystay oo koobkii uu ku taamayey abid lagu hor qaatay,hadana wuxuu muujiyey dedaal sare,markii wareega hore ee Groupka ka soo saaray xulkiisa si awood ah, isagoo soo dhaliyey afar gool, saddexdii kulan ee Bosnia, Iran iyo Nigeria , laaciib wixii xiliga ka danbeeyay weeraryahanka Barcelona wuu ku hungoobay inuu gool dhaliyo gaar ahaan kulamadii Switzerland, Belgium, Holland iyo Germany. Dadka qaar ayaa qaba in abaalmarintan adidas Golden Ball, si qalad ah loo dhinac mariyey u tartamayaashii sida Colombia xiddigeeda James Rodriguez, Arjen Robben oo Holand ahaa, iyo saddexda German ka tirsanayd ee Manuel Neuer, Bastian Schweinsteiger iyoThomas Muller. Kabtankii hore England Rio Ferdinand ayaa u sheegay BBC “Waxaan siin lahaa James Rodriguez. Waa ciyaaryahan wax weyn u qabtay oo goolal aad u qurux badan dhaliyey, xitaa Jarmalku 4 ilaa 5 ciyaaryan aad u wanaagsan ayaa ku jirtay,Messi ayaa la siiyey.