RIKOODH CUSUB: Messi oo dhiibay Cashuurtii ugu badnayd abid dalka Spain

RIKOODH CUSUB: Messi oo dhiibay Cashuurtii ugu badnayd abid dalka Spain

MAZZII

Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Waddanka Spain Lionel Messi ayaa bixinaya Cashuurtii ugu badnayd abid ee qofi bixiyo waddanka Spain muddo sannad ah (53 Milyan oo Euro). Wargeyska La Vanguardia ee ka soo baxa Barcelona ayaa qoray in Messi oo lagu yaqaanay Rikoor jebinta uu markan xagga Cashuur bixintana Rikoodh cusub ka dhigay isagoo lacagtaasi faraha badan looga fadhiyo inuu bixiyo sannadkan. Messi ayaa weli waxaa ku socda kiisas lagu baadhayo cashuuro uu soo xarayn waayay iyadoo laga yaabo in iyadoo dhowaan hore loogu ganaaxay bixinta lacag dhan 32 Milyan oo Euro ay ku soo baxaan eedeymo kale maadaama Wasaaradda Maaliyadda Spain iyo Maxkamadda sare ee dalkaasi ay weli daba socdaan dacwadihiisa. Messi oo 27 jir ah ayaa toddobadii sano ee ugu dambeysay bixiyay in ka badan 100 Milyan oo Euro oo cashuur ah waloow loo haysto cashuur uu dowladda uga soo xarayn wayaay saddexdii sanno ee la soo dhaafay. Ciyaaryahan Messi waxaa sanadkii soo gala dakhli gaadhaya 50 Milyan oo Euro (65 Milyan oo Dollar), isagoo 21 Milyan oo Euro oo lacagtaasi ka mid ah uu mushahar ahaan sannadkii uga qaato Barcelona, halka inta kalena ay ka soo gasho xayaysiimaha iyo heshiisyada kale ee kubadda Cagta.