Saynisyahan Iftiimiyey in aan guurka la isku Faraxsanayn laga dhaxlo wadno xannuun

Saynisyahan Iftiimiyey in aan guurka la isku Faraxsanayn laga dhaxlo wadno xannuun

Guurka

Khabiirkan waxa uu sheegay in daraasadoodan bedka soo dhigtay in cadhada badan iyo fikirka la kasbado guurka xumaada uu keeno xannuunkaas Lammaanaha aan guurkooda ku faraxsanayn waxa soo darisa wadno-xannuun aad u daran sida lagu iftiimiyey daraasad caafimaad oo cusub. Cilmi-badhayaashu waxay sheegeen in caddaymo badan ay u heleen in guurka murugada dhaliya uu sababo xannuuno halis ah, waxaanay daraasadoodii ugu dambaysay iftiimisay in qofka aan guurkiisa ku faraxsanayn uu la kulmo wadno-xannuun iyo dhiig kar“Waxa isa soo taraya soo jeediyen in haddii qofku guurku ka xumaado aanu xannuunu badan ka bixin, isla markaana wadno xannuun badan la soo dariso, loona baahan yahay in dadku ka fiirsadaan mustaqbalkooda guur,” ayuu yidhi Thomas Kamarck oo ka tirsan Jaamacadda Pittsburgh oo cilmi-baadhistan hoggaaminaayey. Khabiirkan waxa uu sheegay in daraasadoodan bedka soo dhigtay in cadhada badan iyo fikirka la kasbado guurka xumaada uu keeno xannuunkaas, loona baahan yahay in labada qof isku faraxsanadaan si caafimaadkoodu u wanaagsanaado.