Scholes: “Haddii uu kaa helo Lionel Messi waad ciyaareysaa, haddii uu kaa helinna waqtigaad iska lumineysa”

Scholes: “Haddii uu kaa helo Lionel Messi waad ciyaareysaa, haddii uu kaa helinna waqtigaad iska lumineysa”

POUL

Luis Saurez ayaa qarka u saaran inuu ku biiro naadiga Barcelona iyadoo ay jirto in ciyaaraha laga ganaaxay muddo afar bilood ah.Hase-ahaatee laacibkii hore ee kooxda Man United Paul Scholes ayaa uga digaya Suarez inuu ku biiro kooxda Barcelona isla markaana u soo jeediyay inuu ku haboon yahay kooxda Real Madrid. “Haddii uu Luis Suarez u saxiixo Barcelona, Lionel Messi ma aqbali doonaa ayuu yidhi Scholes oo intaa raaciyay “Suarez waa weeraryahan dhexe mana dooni doono inuu ka ciyaaro hareeraha, iima muuqato inay isla keeni karaan Suarez iyo Messi. “Waxay aniga ila muuqataa, haddii uu kaa helo Messi waad ciyaareysaa, haddii uu kaa helinna waqtigaad iska lumineysa. “Haddaan daacad u hadlo, waxaan u maleynayaa in Suarez sameynayo qalad inuu aado Barcelona wuxuu aad ugu wacnaan lahaa Real Madrid.”