Sepp Blatter Oo muujiyey dareenkiisa ku waajahan qaabku u socdo sannadkan K/adduunku

Sepp Blatter Oo muujiyey dareenkiisa ku waajahan qaabku u socdo sannadkan K/adduunku

SEPP

Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta dunida ee FIFA Sepp Blatter ayaa muujiyay dareenkiisa ku wajahan qaabka uu u socda sannadkan koobka Adduunka, isagoo sheegay inuu la dhacsan yahay qaabka wanaagsan ee tartanka uu Brazil ugu socdo sannadkan. Tartanka ayaa wax weyn kaga bedelan tartamadii hore maadaama markii uu bilaawday ilaa iyo haatan ee uu marayo wareega 8-da la jebiyay rikoodho aad u badan oo hore loogu soo dhigay tartamadii hore, iyadoo dadkii reer Brazil ee sheegay inay kacdoono xoogan dhigi doonan inta uu socda Koobka Adduunka aanu weli wax carqalad ah ku sameeyeen tartankan “Waxaan ahay nin aad u faraxsan maanta. wadankan wuu ku guuleystay marti-gelinta tartankan.”Ayuu Blatter. Blatter ayaa sidoo kale sheegay inuu xushmad u hayo dadka reer Brazil, maadaama ay aqbalayn qabsoomida tartankan, isagoo u rajeeyay in ilaa iyo laga gaadhayo maalinta ugu dambeysa ay sidaan ku sii wadaan xaalada