Sergio Aguero Oo ka hadlay Qaab-ciyaareedka xulkiisa kala hor tagi doono Germany

Sergio Aguero Oo ka hadlay Qaab-ciyaareedka xulkiisa kala hor tagi doono Germany

AGUres

Weeraryahanka xulka qaranka dalka Argentina Sergio Aguero ayaa kasii hadlay qaab ciyaareedka dalkiisu kala hor tagi doono Germany final-ka Koobka Adduunka, isagoo qiray in Argentina aanay u baahnayn inay isbedel ku sameeyso qaab ciyaareedka ay haatan ku ciyaarto. Xiddiga kooxda Manchester City ayaa shaaca ka qaaday in aanu xulkiisa waxba ka bedeli doonin qaab ciyaareedkii ay Netherland kaga adkaadeen, isagoo sheegay in kulanka xulkiisa ay toddobaadkii soo socda la qaadan doonan dalka uu leyliyo macallin Joachim Low uu noqon doono tijaabada ugu culus oo ay ku mari doonan Koobka Adduunka garoonka Maracana “Germany had iyo jeer waa xulka ugu adag Koobka Adduunka, laakiin waxaan sii wadi doonan qaab ciyaareedkeena. Argentina waa Argentina. Germany waxaa sidoo kale u heyna xushmad” Ayuu Aguero u sheegay weriyayaasha. Kulanka oo dhici doona Axada soo socota ayaa dad badan soo xusuusin doona kama dambeystii Koobabkii Adduunka sannadihii 1986 iyo 1990.