Sheeko cusub: Edinson Cavani Oo Wayne Rooney ka bedeli kara Manchester United

Sheeko cusub: Edinson Cavani Oo Wayne Rooney ka bedeli kara Manchester United

SHEEKO CUSUB

Edinson Cavani ayaa ku soo biiri doona Manchester United haddii Wayne Rooney uu ku guuldarreysto inuu qanciyo tababare Louis van Gaal inta lagu guda jiro habka uu adeegsan doono macallinkan Dutch tartammada kooxda ee is-diyaarinta Mareykanka. Rooney ayaa mar ku sigtay inuu ka tago Man United ka hor inta aanu ciyaaraha ka fadhiisan Sir Alex Ferguson, sababtoo ah markaas wuxuu la qabsan waayey taatikada loo soo jeediyey oo ahayd inuu caawiyo Robin van Persie. Dabcan, koobka adduunka Rooney ayaa la kulmay cadaadiskaas oo kale markii macallinka England Roy Hodgson uu ka soo dhaqaajiyey booskiisa oo uu ciyaarsiiyey dhanka bidix ee weerarka, taasoo la’aaminsan yahay inay wadankan ka soo reebtay ciyaartaha Adduunka. Wararku waxay intaa ku darayaan xiddigan Edinson Cavani ayaa ah kan ugu macquulsan ee man United ka bedeli kara Wayne Rooney. Van Persie ayaan qeyb ka aheyn kooxda booqashada ku joogta Mareykanka, laakiin iyadoo maanka lagu hayo xilli ciyaareedka cusub, tababare Van Gaal ayaan u arkin Rooney inuu noqon karo gooldhaliyaha dhexe ee shaxdiisa 3-4-3 ee uu qorsheynayo inuu ka dhaqangeliyo Man United, kabtanka Holland ayaana doorkaas qaadan doona. Sida lagu qoray jariiradda Daily Mail Tababare Van Gaal ayay u badan tahay inuu socdaalka Maraykanka ku tijaabin doono sida uu Rooney ula qabsan karo shaxdan. Haddii tababaraha Dutch uu qancin waayo habdhaqanka weeraryahankan, waxa uu keensan doonaa xiddiga xulka Uruguay iyo kooxda PSG Cavani, kaasoo awoodiisa soo bandhigay koobkii adduunka markii uu caawiye u ahaa Luis Suarez.