SPORT:- Ciyaar yahan Muslin Ah Oo Lacagihii Kasoo Galay CUP-Ka Caalamka QAZA Ugu Deeqaya

SPORT:- Ciyaar yahan Muslin Ah Oo Lacagihii Kasoo Galay CUP-Ka Caalamka QAZA Ugu Deeqaya

GAZA

Hargeysa(Salaanmedia.com) Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Germany iyo kooxda Arsenal Mesut Ozil ayaa lasoo sheegayaa inuu go’aansaday inuu dhamaan lacagihii kasoo galay tartankii Koobka Adduunka ugu deeqo caruurta ku dhabaateysan marinta Gaza.
25-jirkan oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkey ayaa kamid ah ciyaartooyda Muslimka ah ee ku xamaasho xirfadooda kubadda cagta, isagoona haatan ku sugan magaalada si weyn loogu dabaaldagay ee Barlin kadib markii ay kusoo guuleystayn koobkoodii afaraad ee dunida markii ay 1-0 ku qaarijeyeen Argenina Axadii lasoo dhaafay.
Wararka ayaa inta ku daraya in xiddigan uu ku guuleysigii koobka Adduunka ka helay lacag dhan £237,000, iyadoona intaa ay dheeri usii tahay £118,000 uu ka helay kulankii semi-finalka ee Brazil.
Sida ay laga soo xigtay warar kasoo baxay bariga dhexe ayaa sheegaya in Ozil la filayo dhamaan lacagihii uusoo xareeyay Koobka Adduunka ugu deeqayo caruurta ku dhaqan magaalada ay duqeymaha faraha ba’ani ku heysa Israel.
Waxaa la rumeysan yahay in Ozil uu dhawaan diiday inuu Brazil ku gacan qaado saraakiil ka socotay xiriirka kubadda cagta dunida ee FIFA waxaana taas ugu wacnaa inay taageero u yihiin Israel.