Tababare Louis van Gaal Oo lagu wado in shaxdiisa 3-4-3 ee xulka Holland u soo raro Man. United

Tababare Louis van Gaal Oo lagu wado in shaxdiisa 3-4-3 ee xulka Holland u soo raro Man. United

TABABARE

Tababaraha cusub ee kooxda Man United Louis van Gaal ayaa qorsheynaya in shaxdiisa xulka Holland u soo raro naadigiisa cusub. Waxaana la sheegay in macallinkan reer Holland oo aalaaba u sheegay shaqaalaha Man United inuu doonayo in shaxda 3-4-3 u soo raro kooxda Man United. Tababare van Gaal oo isagu shaxdan la soo shirtagay koobka adduunka ee imika ka soconaya Brazil ayaa qaba in sidoo kale ay ku haboon tahay kooxdiisa cusub ee Man United. Haddaba akhriste sidee adigu kula muuqataa, ma is leedahay Man. United way ku haboon tahay inay xagaaga cusub la soo shir-tagto shaxda 3-4-3.