Vicente Del Bosque Oo go’aan Cad ka Qaatay Mustaqbalkiisa Xulka Spain

Vicente Del Bosque Oo go’aan Cad ka Qaatay Mustaqbalkiisa Xulka Spain

SPAINnnn

Shaki badan ayaa hareeyay mustaqbalka macalinka xulka qaranka ee wadankaasi Spain Vicente Del Bosque kadib markii xulkii difaacanayay koobkii aduunka ay si fool xun wareega koowaad u dhaafi waayeen. Shir jaraa’id uu Vicente Del Bosque ku qabtay magaalada Madrid ayaa waxaa uu cadeeyay inaanu haatan qorshaha ugu jirin in uu isaga tago xilka tababarnimo ee xulka Spain isaga oo sheegay in wixii ka dhacay Brazil ay kala mid yihiin wadamada kale ee aanu guulo soo gaadhin. Vicente del Bosque ayaa sidoo kale sheegay in xulka Spain uu sii wadi doono ilaa uu heshiiskiisa kadhamaanayo kaasi oo ku eg sannadka 2016-ka isaga oo rajeeyay in ay ku soo laaban karaan wadadii hore. 63-jirkan ayaa waxaa inta badan saxaafada dalkaasi Spain ay qoraysay in uu isaga tagi doono xilka macalinimo ee xulka Spain hadiiba ay xulkaasi ku soo fashilmeen in guulo micno wayn ka keenaan koobkii adduunka ee dhamaaday kaasi ay ku guulaysatay xulka Germeny. Si kastaba macalin Vicente Del Bosque ayaa xulka La Roja kula guuleestay ama u qaaday koobkii aduunka ee ugu horayay kaasi oo ahaa sannadkii 2010-kii sidoo kale waxaa uu 2012 -kula guulaystay koobka qaramada qaarada yurub ee European Championship waxaana uu xilkaasi kala wareegay macalinkii geeriyooday ee Luis Aragones .