Waddanka Colombia oo dowladda Talyaaniga ka codsaday in Ciyaaryahan Zuniga ammaankiias la adkeeyo!

Waddanka Colombia oo dowladda Talyaaniga ka codsaday in Ciyaaryahan Zuniga ammaankiias la adkeeyo!

COLOMBIYA

Dowladda Waddanka Colombia ayaa farriin deg deg ah gaadhsiisay Safaaradda Talyaaniga iyadoo ka codsatay in ay il gaar ah u yeeshaan isla markaana ammaankiisa sugaan difaaca Colombia ee u ciyaara kooxda Napoli Zuniga oo hanjabaadyo dil ah ay soo gaadheen, kaddib markii uu dhaawac dhabarka ka gaadhsiiyay Xiddigga Brazil Neymar. Sida uu qoray Wargeyska “El Tiempo” ee ka soo baxa Colombia. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Colombia ayaa xidhiidh la samaysay dhiggeeda Talyaaniga iyadoo ugu baaqaysa in la ilaaliyo Zuniga oo taageerayaal reer Brazil ah ay ugu hanjabeen in ay dili doonaan. Zuniga iyo qoyskiisa ayaa deggan magaallada Napoli halkaas oo ay ka dhacaan dambiyada ugu waaweyn caalamka, waxaana qoraal ka soo baxay kooxda uu laacibkan u ciyaaro ee Napoli ay iyagana ku sheegeen in ay garab istaagayaan difaacooda. Ciyaaryahan Zuniga ayaa dhabarka Jilib kaga garaacay laacibka Reer Brazil Neymar Junior kulan ka tirsanaa Koobka Adduunka iyadoo kaddibna dhakhaatiirtu sheegeen in Neymar uu lix toddobaad ka maqnaan doono ciyaaraha.