WARKII HORE-BAA DHAAF: Kooxda Real Madrid Oo gacanta ku dhigtay Toni Kroos

WARKII HORE-BAA DHAAF: Kooxda Real Madrid Oo gacanta ku dhigtay Toni Kroos

WARKII

Toni Kroos oo 24 sanno jir aha ayaa muddo dheer bartilmaameed u ahaa kooxda Manchester United oo ay doonayeen tababarihii hore David Moyes iyo macalinka cusub Louis Van Gaal, laakiin Real Madrid aya la saxeexatay xiddigan xagaaga dambe inuu iska xaadiriyo garoonka kooxda RealMadrid. Wargayka Marca ayaa qoray in Real Madrid ay kula Wareegtay 20 Milyan oo gini kadib wada hadalo u furmay kooxaha Bayern Munich iyo Real Madrid bilowgii todobaadkan. Waxa uu xiddigan toddobaadkii ka qaadan doonaa kooxda ka dhisan Bernabeu lacag gaadheyso £160,000 waxaana sidoo kale Los Blancos doonaysaa inay iibiso sami Khedira iyo Illaramendi