Wasaaradda Maaliyadda Spain Oo Maxkamadda Sare ka dalbatay in aan la joojin daba galka lagu hayo Lionel Messi

Wasaaradda Maaliyadda Spain Oo Maxkamadda Sare ka dalbatay in aan la joojin daba galka lagu hayo Lionel Messi

Lion Mezzi

Wasaaradda Maaliyadda Spain ayaa waxay Maxkamadda Sare ee dalkaasi ka codsatay in aan la xidhin Kiiska Weeraryahanka Barcelona iyo xulka Argentina Lionel Messi oo lagu soo eedeeyay in uu la gooyay cashuuro fara badan. Wargeyska ‘AS’ ee ka soo baxa Spain ayaa qoray saakay in Waaxda Maaliyaddu ay dalbanayso in Racfaan laga qaato oo aan la xirin dacwadda Messi illaa inta ay soo kala caddaanayso cashuuro kale oo weli lagu tuhmayo inuusan bixin. Messi ayaa dhowaan lagu ganaaxay inuu bixiyo 33 Milyan oo Euro kaddib markii lagu soo eedeeyay in dakhli sanadeedkii 2007 illaa 2009 uu bixin waayay cashuur gaadhaysa 4.1 Milyan oo Euro, inkastoo la sheegayo mar dambe inuu gadaal ka bixiyay. Sidoo kale sanadihii 2010, 2011 iyo 2012 ayaa lagu soo eedeeyay in aanu bixin 25 Milyan oo Euro oo lagu darayo 4.1 Milyankii hore, waxaa intaa sii dheer ganaax kale oo canshuur 65% ah (2.7 Milyan oo Euro ah) taasoo laga doonayo in uu iyadana bixiyo.