Wasiirka ciyaaraha Brazil Oo tilmaamay inuu dalkiisu u baahan Yahay Isbedel

Wasiirka ciyaaraha Brazil Oo tilmaamay inuu dalkiisu u baahan Yahay Isbedel

Wasii Barasiil

Wasiirka wasaaradda ciyaaraha dalka Brazil Aldo Rebelo ayaa soo jeediyay in dalkiisu u baahan yahay in lagu sameeyo isbedel ah sidii loo horumaarin lahaa ciyaartooyda da’da yar ee dalkiisa Brazil. Hadalka wasiirka wasaarada ciyaaraha dalka Brazil ayaa imaanaya ka-dib markii dalkan uu guuldaro xanuun badan ka soo gaadhay Germany, taasoo Brazil ay ku weyday inay ka sii mid ahaato Koobka Adduunka, xilli dalkan uu sannadkan yahay marti-geliyaha koobka. Germany ayaa Brazil kala kulantay khasaaro dhan 7-1, iyadoo gebi ahaanba burburisay riyadii Brazil ay sannadkan ka lahayd ku guuleysiga Koobkeedii lixaad, guuldaraas oo noqotay midii ugu xanuunka badnayd ee abid soo gaadha Brazil. Rebelo ayaa aaminsan in dalkiisu uu ka hor tago ciyaartooyda da’da yar ee ku biiraya kooxaha dalalka yurub ka dhisan si dalkooda ugu caawiyaan inay gaadho guulo muhiin ah.