Wax ka baro 5-waxyaabood Oo u gaar ah Koobka Adduunka Ee 2014

Wax ka baro 5-waxyaabood Oo u gaar ah Koobka Adduunka Ee 2014

SHAN WAXYOOLAD KOOB

Xulka Germany ayaa lagu xardhay koobka adduunka ee 2014, kaddib markii uu ciyaartii Finalka ku dubtay xulka qaranka Argentina. Haddaba akhrista wax ka baro shan waxyaabood oo u gaar ah koobka adduunka ee 2014. Isla markaana aan hore uga dhicin koobabkii adduunka ee hore.

1.Garsoorayaasha Koobka adduunka ee 2014 ayaa isticmaalayay daawada dhulka lagu buufiyo taasoo ahayd markii ugu horreysay ee tartankan la hirgaliyo.

2. Goolasha ayaa loo isticmaalayay tijnoolajiyada isha gor-gorka ee sheegaysa goolka inuu dhashay iyo in kale, taas oo iyana markii ugu horreysay loo isticmaalay koobka adduunka.

3.Ciyaarta oo socota ayaa la joojinayay si ay ciyaartoyda biyo u cabaan kulal daran oo jiray awgeed.

4.Xulka Germany ayaa noqday xulkii ugu horreeyay ee Yurub ee koob adduun ku soo qaada qaaradda America.

5. Xulka martigalinaya koobka adduunka ee Brazil ayaa noqday xulkii ugu horreeyay taariikhda koobka adduunka ee 7-gool lagaga adkaado ciyaarta semi-final-ka koobka adduunka.