Wenger: “Louis Van Gaal wuxuu soo celin doonaa cabsidii laga qabi jiray Man.United”

Wenger: “Louis Van Gaal wuxuu soo celin doonaa cabsidii laga qabi jiray Man.United”

WANGER

Macallinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa rumeysan in Manchester United ay xilli ciyaareedkan xooganaan doonto kadib markii loo magacaway macallinka tayada wanaagsan leh ee Louis van Gaal. Van Gaal oo xulkiisa Netherland ka caawiyay inay xagaagan booska saddexaad kasoo gasho koobkii Aduunka ee Brazil lagu qabtay, ayaa la wareegay shaqada kooxda United horaantii todobaadkan, iyadoo Red Devils ay indhaha ku heyso inay sameyn doonto hormar kadib mashaqadii xilli ciyaareedkii hore. Kooxdan 13-ka jeer ku guuleysatay horyaal Premier League-ga ayaa xagaagii hore musiibo dhanka kubadda cagta ah ku habsatay markii ay ka hoos ciyaareen tababarahii shaqada laga caydhiyey ee David Moyes, iyagoo ku dhameysatay kaalinta 7-aad ee kala horeyntii horyaalka dalkaasi England. Si Kastaba, Wenger ayaa sheegay in macalinkan reer Dutch uu ugu soo dhaqaaqay kooxdan reer England si uu hormar ugu horseedo United, isagoo haatan kooxdiisa kula sugan Mareykanka maadaama kulamada ay isugu diyaarinayaan tartamada xilli ciyaareedka soo socda ku soo ciyaarayaan halkaas “Waxaan rumeysannahay in Manchester United ay magacowday tababare weyn, kaasoo koobkii dunida indhaha caalamka tusay inuu yahay macallin leh tayo wanaagsan.” Ayuu yidhi Wenger