Xiddiga hoggaaminaya gool dhalinta Koobka Adduunka Oo iska diiday dalab uga Yimi kooxda Real Madrid!

Xiddiga hoggaaminaya gool dhalinta Koobka Adduunka Oo iska diiday dalab uga Yimi kooxda Real Madrid!

XIDIGA

Weeraryahanka da’da yar ee xulka Colombia ee isagu sida wayn ugu soo baxay koobka adduunka James Rodraguez ayaa iska diiday kooxda Real Madrid oo isha ku haysay. Xiddigan ayaa 6-gool ku hoggaaminaya koobka adduunka ayaa waxaa si aad ah loola xidhiidhinayay kooxda Real Madrid, balse laacibka ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu la sii joogo naadigiisa Monaco ee ka dhisan dalka Faransiiska “Waxaan joogayaa Monaco, waa naadi wayn.”Ayuu wareysigiisa ku caddeeyay James, waxaana xusid mudan in Real Madrid oo kaliya aaanay ahayn kooxda doonaysa laacibka, maadaama uu si wayn isugu soo muujiyay koobka adduunka.