Xidhiidhka FIFA Oo ganaax dul-dhigtay xulka Argentina

Xidhiidhka FIFA Oo ganaax dul-dhigtay xulka Argentina

Xidhidh Viva

Xidhiidhka kubadda cagta ee aduunka ee loo yaqaano (FIFA) ayaa waxaa ay ku soo rogeen ganaax xulka kubadda cagta ee Argentina ganaaxaasi oo dhan qiimo lacageed ( 300 kun oo lacagta frank Swiss) oo u dhiganta (336 kun oo doolar) kadib markii ciyaartoyda xulkaasi ayna qayb ka noqon shirarka jaraa’id ee qabto macalinka reer Argentina kaasi oo ka dhaca hoolalka ee warbaahinta 2014 Brazil loogu tala galay waxaana sidoo kale laga waayay dhamaan kulamadii afarata ahaa ee ugu dambeyey. Sida ku qoran sharciga FIFA ee koobka adduunka kooxaha ama xulalka waxaa qasab ku ah in ay macalin iyo ciyaartoy yimaadaan shirka jaraa’id, laakiin sidaa ma sameyn xiddigaha xulkaasi Argentina . Guddiga FIFA ayaa arintan baaritaano ku hayay tan iyo markii tababaraha xulkaasi Argentina Alejandro Sabella oo keliya kasoo muuqday shirarkii jaraa’id ee kulamdii Nigeria iyo Switzerland sidoo kale waxaa uu ahaa mid madi ah kulankii Belgium-ka iyo kulankii same-faynalka ah koobka aduunka.