Xidhiidhka FIFA Oo soo diiday racfaanka Qaniinyadii Luis Suarez ku dhajiyey Giorgio Chiellini.

Xidhiidhka FIFA Oo soo diiday racfaanka Qaniinyadii Luis Suarez ku dhajiyey Giorgio Chiellini.

VIVA

Xidhiidhka kubadda cagta dunida ee FIFA ayaa diiday racfaankii ganaaxa qaniinyadii Suarez, taasoo ay si wada jir ah u soo gudbiyeen Luis Suarez iyo xidhiidhka kubadda cagta Uruguay. FiFA ayaa facilkaasi foosha xun dartii waxay Suarez kaga ganaaxday wax walba oo la xidhiidha kubadda cagta muddo afar bilood ah iyo sagaal kulan oo tartamada caalami ah. Guddiga racfaanka FIFA ayaa xaqiijiyay inay diidayn racfaankii ay sida wada jir ah u qaatayn Suarez iyo xidhiidhka kubadda cagta Uruguay kasoo ahaa in la dhimo muddada ganaaxii qaniinyada uu garabka kaga goostay Giorgio Chiellini. Warbixin ay ka soo saartay FiFA racfaankii xiddigan ayaa lagu sheegay in Luis Suarez uu soo dhameysan doono ganaaxan muddada afarta bilood ah iyo sagaalka kulan ah. Warbixintan ayaa u qornayd sidan “Guddiga racfaanka ee xidhiidhka FIFA waxay go’aansadayn inay diidaan racfaankii ay soo gudbiyeen ciyaaryahan Luis Suarez iyo FA-da Uruguay.” Si kastaba, FIFA ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in Suarez iyo FA-da Uruguay ay weli awood u leeyihiin inay qaadan karaan racfaan hor leh.