Aabaha Radamel Falcao Oo Ka Hadlay Warar Wiilkiisa lala xidhiidhinaya Kooxda Real Madrid

Aabaha Radamel Falcao Oo Ka Hadlay Warar Wiilkiisa lala xidhiidhinaya Kooxda Real Madrid

Aabaha

Aabaha dhalay weeraryahanka heerka caalami ee xulka qaranka dalka Colombia iyo kooxda Monaco Radamel Falcao ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in wiilkiisa uu ka dhaqaaqi doono Monaco kuna biiri doono Real Madrid, laakiin diiday inuu meesha ka saaro in weeraryahankan ka tagi doono Faransiiska xagaagan. Falcao ayaa waxaa dhawaanahan si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Real Madrid iyadoo kooxda ka ciyaarta horyaalka France Ligue 1 ay xiddigan xagaagii hore kula wareegtay qiimo dhan 60 milyan oo Euro isla markaana ka saxeexatay qandaraas gaadhaya muddo shan sanno ah. Monaco ayaa maalin sii horreysay ka dhawaajisay in xiddigan lixda bilood kadib kooxdeeda ku soo laabtay kaas oo dhaawac kaga maqnaa garoomada aanu ka tagi doonin kooxda, laakiin aabaha dhalay Falcao ayaa albaabka u furay wiilkiisa “Ma odhanayo Falcao wuu ka tagayaa kooxda. Waxaan leeyahay oo kaliyah qandaraas ayuu kula jiraa kooxdiisa Monaco.”Ayuu Radamel Garcia u sheegay Cadena Cope “Wiilkayga weli iima sheegin inuu doonayo ka tagida Monaco, laakiin isaga kalama hadlin wax ku saabsan kubadda cagta”Wiilkayga waxaa heshiiska uu Monaco ugu qiidmayn doono kaga dhiman afar sannadood”