Aroosad u dhalatay dalka Yemen Oo Arooskeedii Si khalad Ah Loo Geeyay Xaflad Kale Oo Aroos Oo Aan keedi Ahayn

Aroosad u dhalatay dalka Yemen Oo Arooskeedii Si khalad Ah Loo Geeyay Xaflad Kale Oo Aroos Oo Aan keedi Ahayn

AROOS GALBIS

Aroosad u dhalatay dalka Yemen ayaa habeenkii arooskeeda si khalad ah loo geeyay xaflad kale oo aroos oo aan keedi ahayn. Gabadhan ayaa gadiidkii soo qaaday ay la lumeen, kadibna ay geeyeen xaflad kale oo aroos ah oo meel kali ka dhacaysay. Aroosadan ayaa la sheegey inay sawaxanku cirka isku shareerey oo dadkii arooska joogeen mashxarad iyo damaashaad kala hor yimaadeen markay kusoo dhawayd meesha ay ka dhacaysay munaasabada aroos ee kale ee lagula khaldamay. Waxay wararku sheegayaan in intaanay kasoo dhaadhicin aroosadii oo ayna soo gali meeshii ay xafladu ka dhacaysay ay soo istaageen kolonyo baabuur oo kale oo sida gabadhii aroosada ahayd ee kale ee xafladan oo qabtay, taas oo markii ay dadkii maqleen qosol jaanta la wadhay. “Isla markiiba waxaa istaagay hoonkii iyo muusigii, kadibna qaraabadii caruuska ayaa intay soo carareen gabadhii aroosada ahayd ee soo khaldantay u yimid oo u sheegey inayna xafladeedii ahayn oo caruus kale halkan lagaga tumayo”, ayaa lagu yidhi qoraal lagu baahiyay shabakada wasaarada difaaca dalkaas