C.Ronaldo Oo Cidla Kaga Tagay Messi Dhaafayna Goolashii Yurub

C.Ronaldo Oo Cidla Kaga Tagay Messi Dhaafayna Goolashii Yurub

MEZI IYO CRIS

Burco(Salaanmedia.com)-Ciyaaryahanka Sannadkan ugu wanaagsan Adduunka ee Cristiano Ronaldo, oo kooxdiisa u dhaliyey laba gool, ciyaartii ay ku qaadeen koobka Super Cup-ka.
Ciyaaryahanka Sannadkan ugu wanaagsan Adduunka ee Cristiano Ronaldo, oo kooxdiisa u dhaliyey laba gool, ciyaartii ay ku qaadeen koobka Super Cup-ka ee ay wada ciyaareen labada kooxood ee ku soo kala guulaystay koobka Champions League iyo Koobka Ueafa, ayaa gaadhay gool dhalinta ciyaaraha Yurub 70-gool, isaga oo dhaafay Messi, Ronaldo oo Messi ka dambeeyey 18-gool, Sannadkii 20012, ayaa laba Sanno gudahood ku dhaliyey goolashaas uu Messi dheera, waxaana xusid mudan in Cristiano Ronaldo imika uu leeyahay 70-gool, halka Messi uu ka leeyahay 68-gool, Raul,oo ugu badan Gool Dhalinta Champions League-na uu ka leeyahay 76-gool.