Carlos Ancelotti: “Waanu difaacan karnaa Champions League”

Carlos Ancelotti: “Waanu difaacan karnaa Champions League”

CARLOS

Iyadoo la wada ogyahay in koobka kaliya ee kooxda Real Madrid haraad tiri kara uu yahay koobka horyaal ka qaaradda Yurub ee Uefa Champions League ayaa tabaraha kooxda Carlo Ancelotti uu sheegay in naadigiisu uu sannadkan difaacan karo koobkaas. Ma jirto koox qaaday Champions League laba sano oo xidhiidha tan iyo sagaashameeyadii markaasoo dib loo casriyeey loona bixiyey magaca imika loogu tartamo, hase-yeshee AC Milan oo uu xilligaasi uu ka mid ahaa Ancelotti ayaa ku guuleystay sannadihii 1989-1990, wagaas oo la yaqaanay European Cup waxa uuna imika diyaar u yahay Macalin Carlo in uu taariikh sameeyo “Waan la soconaa in aysan jirin cid laba jeer qadday tartankan Champions League, balse kalsoonidii aanu xagaagii hore helnay ayaa na dhiiri galineysa” ayuu yidhi macallin Carletto. Los Blancos ayaa ugu dambeyn soo afjartay caqabadii baadidoonka La Decima oo ay kooxdu 12 sanno ku raad joogtay 25 bishii May, waxa ayna 4-1 kaga qaaday naadiga ay jaarka yihiin ee Atletico De Madrid. Kooxda waxa ku soo biiray xiddigo hor leh sida James Rodriguez iyo Toni Kroos waxa ayna la ballansan yihiin toddobaadka soo socda kooxda Sevilla oo ay la ciyaari doonaan Uefa Super Cup.