Cilmi-baadhis Daaha ka fayday Sababta Uu Ninku U Naaxo Marka Uu Guursado

Cilmi-baadhis Daaha ka fayday Sababta Uu Ninku U Naaxo Marka Uu Guursado

Waan Naaxi Laa

Waxaa caado bulshooyinka dunida oo dhami dareemeen noqotay in miisaan uu ninka ku kordho guurka kadib. Arrintan oo aan inta badan tafsiir cilmiya loo raadin ayaa marka bulshada Soomaalida la eegana ka mid noqotay caadooyinka lagu garto ninka guursada. Cilmi-baadhis dalka Maraykanka lagu sameeyey oo sahamisay is beddelka guurka kadib ku dhaca ragga iyo xataa dumarka ayaa dhalinyaro ka badan 10 kun oo rag iyo dumar ah baadhay miisaanka guurka kadib ku kordhay. Cilmi baadhistan oo socotay 29 sano oo u dhexeeyey 1979kii illaa 2008dii waxaa ka soo baxday natiijo ah in uu xidhiidh ka dhexeeyo guurka iyo korodhka miisaanka, waxaana la ogaaday in guurka kadib lammaanaha uu labada sano ee aqal-galkooda horreeya uu ku kordho miisaan u dhexeeya 4 illaa 10 kilogaraam. Haddaba Nuha Al-Jawhari oo ah khabiirad ku xeel dheer cilmiga cuntada ayaa dhowaan si fiican u sharraxday arrimaha aasaasiga u ah in ninka uu miisaan ku kordho, waxa aanay ku soo ururisay qodobbada hoos ku qoran: – Ninku guurka kadib waxa uu dareemaa xasilooni nafsi ah, niyadda ayaa u degta oo waxa gala shucuur raaxo iyo farxadeed, sidaa awgeed waxaa kordha amateedkiisa cuntada, waxaana inta badan ay u dhowdahay in uu cuno cunto intii hore ka badan, taasina waxa ay keentaa in miisaankiisu uu kordho. – Guurka kadib waxaa is beddela hannaankii cunto ee uu ninku hore u soo qabatimay, tusaale ahaan waxaa is beddela saacadaha cuntada, waqtiga cuntada dusheeda uu ku qaadanayo, dhadhanka cuntada, jawiga goobta uu ku cuntaynayo iwm.