Ciyaaryahanka Robinho Oo kashifay Sababaha Uu Ugu Tagay Kooxdiisii AC Milano

Ciyaaryahanka Robinho Oo kashifay Sababaha Uu Ugu Tagay Kooxdiisii AC Milano

ROBINO

Xiddigii hore ee dhanka weerarka ugu ciyaari jiray kooxda AC Milan Robinho ayaa banaanka keenay sababaha ku kalifay In uu isaga tago kooxda reer talyaani uuna markiisii saddexaad si amaah ah ugu laabto kooxda uu ku soo barbaaray ee Santos. 30-jirkan oo waraysigiisii ugu horeeyay bixiyay waxaa uu sheegay in uu jeclaa in uu ka sii mid ahaado kooxda AC Milano uuna guulo la qaato balse maamulka sare ee kooxda aanu sidaa jeclaysan isaga oo horumar u rajeeyay in ay guulo gaadho kooxdiisii hore “Qofna ma diidii lahayn in uu u ciyaaro kooxda ugu guulaha badan yurub,cadaadis kore ayaa jiray sidaa ayaana kaliftay inaan isaga tago kooxda.”Ayuu yidhi xidigii hore ee kooxda Milan. 30-Jirkan ayaa kooxda Santos u ciyaaray 110-kulan inta aanu Real Madrid ku biirin sannadkii 2005. Xidigii hore ee xulka Brazil ayaa ah markiisii sadexaad uu si qaab amaah ugu cayaarayo kooxda Santos isaga oo sidoo kale 2010-kii u soo ciyaaray xilli uu Robinho joogay Manchester City.