Codka Dheer ee Bani’aadamka oo la Ogaaday in Lagu Dabayn Karo Baytariga Moobaylka

Codka Dheer ee Bani’aadamka oo la Ogaaday in Lagu Dabayn Karo Baytariga Moobaylka

CODKA DHEER

(Salaanmedia.com) -Tallaabadan ayaa ka dhalatay cilmi-baadhis ay hore u samaysay Jaamacadda Queen Mary University ee magaalada London, taasoo heshay in gitaarka amma jabaqda muusiga koronto laga dhalin karo Dadka bani’aadamka oo khaatiyaan ka taagan baytariga moobaylka dabka u qabta oo ka bakhtiyada waqtiyo ay garacan lahaayeen telefoono muhiim ah, ayaa waqtigan lagu guulaystay in qaylada amma codka dheer loo beddelo tamar koronto ah, kaasoo qalab cusub oo lagu kaydinaayo codka qaylada ah uu u beddelayo dab moobaylka lagu dabaysan karo. Khubaro ku dhaqan magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa sameeyey qalabkan tiknoolajiga cusub ah, kaasoo codka dheer amma codadka badan kaydinaya, una beddelaya koronto moobilada lagu dabaysan karo. Qalabkan oo dherar ahaan leeg moobaylka, waxa lagu isticmaalaya xasaw (zinc Oxide) si ay gariirka jabaqda codku samayso ugu beddesho koronto. Tallaabadan ayaa ka dhalatay cilmi-baadhis ay hore u samaysay Jaamacadda Queen Mary University ee magaalada London, taasoo heshay
in gitaarka amma jabaqda muusiga koronto laga dhalin karo. Shirkadda Nokia iyo Jaamacadda QMUL kooxo ka socda oo ka wada shaqaynaayey si ay tallaabadan uga midho dhaliyaan ayaa ku guulaystay in ay moobayl ku dabeeyaan jabaqda codka ah ee dadka badan sameeyaan. “In moobaylka lagu sii ilaaliyo inuu muddo dheer sii shaqeeyo amma baytarigu ka maqnaado waa in habkan cusub lagu guulaysto oo caalamka lagu faafiyo, codkana tamar koronto ah loo beddeloyo, waxaanannu rajaynayna in sida ugu dhakhsaha badan aanu tijaabadayadan ugu guulaysano” ayuu yidhi dr. Joe Briscoe oo ka socday Jaamacadda QMUL.