Dadka Sita Smart Phones-kii Hore Oo Mudo Yar Kadib Laga Xidhayo Skype-ga

Dadka Sita Smart Phones-kii Hore Oo Mudo Yar Kadib Laga Xidhayo Skype-ga

Smart-Phones

Shirkada Microsoft ayaa shaacisay todobaadkan inayna muddo yar kadib dadka isticmaala telefoonadii hore ee Smart Phone-ku in ayna isticmaali karin adeega Skype-ga.
Microsoft waxay fariin email ah oo macaamiisheeda ay u dirtay ku sheegtay inayna mudo dhawr todobaad ah kadib telefoonadii hore ee gacanta ee Smart Phone-ka inaanay ku isticmaali karin, waxayna kula talisay macaamiisheedu inay iska badalaan.
Arrintan ayaa caqabad ku ah dadka sita Smart Phones-kii hore ee ku shaqeeynayay Android 2.2 iyo wixii ka hooseeya, sidoo kale dadka isticmaala telefoonada ku shaqeeya barnaamijka Window Phone 7.
Microsoft ayaa dhamaanba hawada ka saaraysa App-kii Skype-ga ee ku shaqaynayay telefoonada barnaamijyadaas iyo wixii ka horreeyay.