Daraasad Is La Yaab leh Isbar-bardhigid Ugu samaysay Aabaha Da’da yar iyo Aabaha Da’da weyn

Daraasad Is La Yaab leh Isbar-bardhigid Ugu samaysay Aabaha Da’da yar iyo Aabaha Da’da weyn

Father-with-child-001

Cilmi-baadhis ay iska kaashadeen khubaro u kala dhashay dalalka Maraykanka iyo Australia ayaa daahfuray in ragga oo yaraanta ku guursada ubadna dhalaa ay u fiican tahay caafimaadka carruurta. Cilmi-baadhayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay heleen in carruurtu ay u kala fariidnimo badan yihiin sida ay aabayaashood u kala da’ yar yihiin. John McGrath oo ka tirsan mac-hadka Queensland ee daraasaadka maskaxda oo ku yaalla dalka Australia isla markaana hoggaaminayey kooxda khubarada ah ee samaysay daraasaddan ayaa sheegay in natiijadan ay hadda gaadheen ay tahay tii nooceeda ugu horreysay dunida, waxa aanu ku tilmaamay in ay natiijadani digniin u tahay aabayaasha inta badan dib u dhiga guurkooda illaa ay ka gaadhayaan da’da Afartanaadka iyo ka weyn iyaga oo ku doodaya in ninku da’ walba ubad ku dhali karo. Khubaradu waxa ay sheegeen in muddadii ay daraasaddan wadeen ay baadhitaanno la xidhiidha ku sameeyeen 33 Kun oo carruur ah oo da’da aabayaashood u dhexeysay 18 jir illaa 65 jir, waxaana u soo baxday in heerka garasho iyo fariidnimo ee carruurta aabayaashood da’da weyn yihiin ay mar walba ka hoosayso dhiggooda ay dhaleen aabayaal da’ yari. Warkan oo ku soo baxay majallada Al-Ahram oo ka soo baxa dalka Masar waxa uu intaas ku daray in ay jiraan daraasado tan la mid ah oo hore loogu ogaaday in ubadka ay dhalaan odaayaasha da’da ahi ay halis ugu jiraan dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid noqon karto, hadalka oo ku adkaata ama ah hag-hago yeeshaan, gooni soconimo iyo halista ah in looga baqo-qabo in ay cullaan noqdaan.