Deg Deg: Man United Iyo Real Madrid Oo Ka Heshiiyay Iibka Di Maria

Deg Deg: Man United Iyo Real Madrid Oo Ka Heshiiyay Iibka Di Maria

DIYA MARIYA

Wargayska Marca ee ka soo baxa Madrid ayaa daqiiqado yar ka hor shaaciyay in kooxaha Real Madrid iyo Man United ay ka heshiiyeen iibka Angel Di Maria.
Wargayskaan ayaa sheegaya in qiimaha ay United kula wareegayso Di Maria uu yahay 90 milyan oo euro oo loo kala qaadayo 75 milyan oo euro oo lagu daray 15 milyan oo euro oo ah lacago dheeraad ah.
Marca ayaa intaa ku dartay in Di Maria uu u safri doono bari Magaalada Manchester si uu ugu maro tijaabada cafimaadka kooxda macalin Van Gaal waxaana la filayaa in United ay ku dhawaaqi doonto saxiixiisa barito ama talaadada sida lagu qoray warbixinta.
Di Maria ayaa noqonaya laacibkii ugu qaalisanaa ee koox ingiriis ah ay ka soo iibsato horyaalada kale wuxuuna iskoorkii ka jabiyay Ozil oo xaggaagii hore 50 milyan oo euro ugu biiray Arsenal.
Wixii Ku Soo Kordha Kala Soco Wararkeena Danbe..!!