Digniin Caafimaad: Daawada Lagu Cadaydo Oo Ay Ku Jirto Kiimiko Sababi Karta Cudurka Kansarka

Digniin Caafimaad: Daawada Lagu Cadaydo Oo Ay Ku Jirto Kiimiko Sababi Karta Cudurka Kansarka

CouLGAYT

Dukumenti ka kooban 35 bog ayaa laga diyaariyay khatarta kiimikada ku jirta daawada lagu cadaydo, waxaana lagu sheegay inay sababi karto kansarka, taasina waxay horseeday in dacwad ka dhan ah laga gudbiyay shirkadda soo saarta daawadaas ee la yidhaahdo Colgate Total.
Kiimikadan la dagaalanta jeermika ilkaha gala ee dawada lagu cadaydo ku jira oo la yidhaahdo Triclosan, ayaa shirkadda soo saarta xustay in ay tahay mid aan khatar lahayn, lana tijaabiyay sannadkii 1997-dii, laakiin dukumentiga laga diyaariyay waxay muujiyeen in khatar badan oo kansar keeni karta ku duugan tahay kiimikadaas sida lagu daabacay mareegta Bloomberg news.
Dukumentigaan oo ay diyaariyeen khubaro Maraykan ah oo ka tirsan xarun la yiraahdo FDA, ayaa tibaaxday inay sababi karto kiimikada triclosan cudurka kansarka halka Shirkadda Colgate sheegtay in kiimikadan khatar badan noqon karto oo ay sababi karto kansarka, balse cadaymaha la helay iyo daraasaado cusub oo la sameeyay ayaa sheegtay in kiimikadaasi khatar ay-ba ku tahay ilmaha uurka ku jira.
Sannadkii 2010kii ayaa arday sameeyay cilmi-baadhis uu ku doonaayay bal inuu ku baadho heerka ay kiimikada triclosan hoos u dhigo bakteeriyada ,waxa uu ogaaday suntan ku jirta daawada lagu cadaydo, taasoo ah in ay waxyeelo u gaysato xitaa biyaha taranka.