Doorasho Ma Ka Dhacaysaa Somaliland 2015-ka?

Doorasho Ma Ka Dhacaysaa Somaliland 2015-ka?

DOPORASHO MAKA DHACAYSAA

Hargeysa, (Salaanmedia.com):- Urur- Goboleedka IGAD ayaa sheegay inay Somaliland ka caawinayaan doorashada soo socota ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 2015-ka, isla markaana ay ku dhiirigelinayaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sidii ay u qaban lahayd doorashadaasi. Wasiirada Arrimaha dibada Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis,Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade iyo Caafimaadka Dr.Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ayaa kulan albaabadu u xidhnaa kula yeeshay shalay xarunta Wasaarada arrimaha dibada Somaliland ee Magaalada Hargeysa Wefti ka socday Urur-Goboleedka IGAD waxaanay labada dhinac kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha wada shaqaynta labada dhinac iyo taageero ay Somaliland siiso Ururka IGAD. Weftigan oo uu hogaaminayo Wakiilka Urur-Goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdi Afay, Kadib markii kulankaasi dhamaaday, ayaa Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis uu warbaahinta uga waramay waxyaabaha ay labada dhinac kaga wada hadleen kulankooda, isla markaana waxa uu ku dooday inay weftiga casuumad u fidiyeen,Waxaanu yidhi “Waxaa maanta (shalay) farxad weyn noo ah, inay halkan nala joogaan wefti ka socda IGAD,oo uu hogaaminayo Maxamed Cabdi Afey oo uu la socdo Dr. Axmed Xasan Mataan.Waa markii u horaysey ee Ambassador-ku uu Somaliland inoogu yimaado, anagaana ku soo casuunay,cilaaqaad culus ayay Somaliland iyo IGAD wada leedahay.” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Sida aad la socotaan Mashaariic badan ayay IGAD inoo hir-galisaa,aad iyo aad ayaan mar labaad u soo dhaweynayaa weftiga,waxay nala joogi doonaan saddex cisho,waxayna la kulmi doonaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.” Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdi Afay oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay Somaliland iyo Urur-Goboleedka IGAD uu ka dhaxeeyo xidhiidh wada-shaqeynayd, waxaanu yidhi “ IGAD waxay hore xidhiidh dhaw ula lahayd Somaliland, iyadoo kala shaqayn jirtay Iskuulka Sheekh ee Xanaanada Xoolaha oo Ardayda dhigataa ka kala yimaadeen Waddamada IGAD guud ahaan.” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaanu haddana halkan u nimid inaanu Xaqiijino waxa ka jira Somaliland iyo inaanu ku dhiirigalino qabashada doorashada sanadka soo socda ka dhici doonta Somaliland, inaanu diyaar u nahay inaanu Dawladda ku garab galo oo la qabano. Wixii Runtii ay taageero nooga baahdaana aanu siino.Doorashadaasi oo runtii muhiim u ah umadda ku nool Somaliland iyo guud ahaan Geeska Africa. Waxa kale ee aanu u soconay in Shir Adis Ababa ka dhacaya oo ay iskugu imanayaan Weftiyo Caalamkoo dhan ka socodaa iskugu imanayaan,inaanu Somaliland ku soo marti qaadno ka qaybgalka Shirkaasi. Shirkaasi oo ku saabsan Caafimaadka,runtiina aanu jecelnahay inaanu wixii aanu Caafimaad ahaanka qaban karo ku taageero wasaaradda Caafimaadka”