Duqeyda iyo Salaadiinta Gobolka Awdal Oo Madexweyne Siilaanyo Hordhigay Qodobo Adag iyo Wasiirka Maaliyada Oo Ay Kaga Cowdeen Eex iyo Qabyaalad

Duqeyda iyo Salaadiinta Gobolka Awdal Oo Madexweyne Siilaanyo Hordhigay Qodobo Adag iyo Wasiirka Maaliyada Oo Ay Kaga Cowdeen Eex iyo Qabyaalad

DUQAYDA

Hargeysa(Salaanmedia.com)-Salaadiinta iyo Madaxdhaqameedka kasoo jeeda Beelaha Gobolka Awdal, ayaa maanta siweyn ula garnaqsadey Madexweyne Siilaanyo iyo Golihiisa Xukuumada iyadoo ay garnaqsigaasi kusoo bandhigeen shan iyo labaatan oo xasaasi ah oo ay kaga cabanayaan dhinacyo badan oo ku sahabsan Arimaha Bulsjada iyo adeegyada aasaasiga ah iyo Waliba saamiga Qeybaha kala Duwan ee Golaha Xukuumada.

Garnaqasigan oo ay goob joog ka ahaayeen Madexweynaha iyo Madexweyne Kuxigeenku waxa ku wehelinayay dhinaca Xukuumada Wasiirada Arimaha Gudaha,Beeraha,Biyaha,Wasiir Kuxigeenka Caafimaadka,Wasiirkuxigeenka Qorsheynta oo isaguna mar dambe kulanka garnaqsiga ah kasoo xaadirey waxaana halkaasi gondaha la isku dhigay kulan wakhti badan qaatey, kaas oo ay Duqeyda iyo Salaadiinta Gobolka Awdal ee Beelaha Samaroon kusoo bandhigeen tabashooyinka ugu adag ee ay Madexweyne

Siilaanyo Xukuumadiisa kaga tabanayaan islamarkaana, ay kusoo qadimeen qodobo ka kooban cabashadooda oo shan iyo labaatan qodob ah,kuwaas oo ay hordhac uga dhigeen Wasiiro katirsan Golaha Xukuumada oo ay kaga cabanayaan eex qabayaalad iyo nin jeclaysi dhinaca Shaqaalaha Wasaarada ah iyagoo Tusaale usoo qaatey Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Muxumed Samaale oo ay cabashadooda miisaanka u badan ku saareen.

Inkastoo Kulankani garnaqsiga ah ee u dhexeeyay Madexweyne Siilaanyo iyo Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal uu ahaa mid albaabadu u xidhnaa hadana, sida ay ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Shabakada Wararka hadhwanaagnews arimaha laga wadahadley, waxa u horeeyay dhinacyada saamiga oo ay ilaa wakhti hore Reer Awdal tabasho badan ka qabeen,iyo Wasiro Xukuumada ah oo ay kaga cowdeen qabyaalad eex iyo nin jeclaysi dhinaca kastamada dalka iyo Wasaarada Maaliyada ah,Wasaarado kale arinta Degmada Saylac,Degmada Lughaya oo ay ku tilmaamee in dhinaca Gobolka Maroodi/jeex uu duulaan ku hayo,Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha dalka,Saraakiisha Ciidamada iyo arimo kale oo badan,waxaana mudo saacad ah halkaa laga akhriyay qodobada shan iyo labaatanka qodob ah ee ay tabashadooda kusoo koobeen.

Waxaanay intaasi ku dareen wararku in aanay habayaraatee lasoo qaadin arimo ku sahabsan in Madexweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici oo kasoo jeeda Gobolka Awdal aan Xukuumada Madexweyne Siilaanyo inta badan la siinin doorkiisii iyadoo la sheegay in ay arintaasi dub u dhigteen, waxa kale oo ay usoo qadimeen Madexweyne Siilaanyo in aanay hada ku laaban doonin Gobolka Awdal ilaa arimaha ay ka cabanayaan wax laga qabto.
Sikastaba ha ahaatee markii kulankan garnaqsiga ah ay doodooda ku dhiibteen Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal, waxa madasha ka hadley Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade oo u qadimay in aan loo baahnayn wakhtigan xaadirka ah wadatashi laga yeesho tabasooyinka Reer Awdal qabaan haseyeeshee, ay Madexweynaha utaalo waxa uu ka qabanayo cabashooyinka xiligan, waxaana hadalka gunaanadey Madexweyne Siilaanyo oo hadalkiisa ku koobay in cabashooyinkan uu wax ka qaban doono isagoo tix raacaya Qoraalka ay usoo gudbiyeen ee Qodobada ah islamarkaana, ay aheyd mid ay ku balnasnaayeen oo uu ugu soo balanqaadey Dhinaca Magaalada Boorame.

Sida ay ilahan Xogogaalka ahi u xaqiijiyeen Hadhwanaagnews Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal kasoo jeedaa,waxa ay isku waafaqeen in ay Caasimada Hargeysa ku negaan doonaan inta Looga jawaabayo tabashooyinkooda,iyadoo kulankan garnaqsiga ahi noqonayo kii ugu adkaa ee noociisa ah oo
Madaxdhaqameedka Somaliland qeybo kamid ahi qasriga Madaxtooyada kula yeeshaan Madexweyne Siilaanyo hadana lama garan karo in uu si dhakhso ah uga jawaabi doono arimaha ay u calaamadiyeen iyo inkale.