Feedhyahan caan ka ah England Oo rasaas lagula beegsaday dalka Spain

Feedhyahan caan ka ah England Oo rasaas lagula beegsaday dalka Spain

FEEDH YAHANKA

Feedhyahankii hore horyaalka dalka England Jamie Moore ayaa lugaha laga toogtay markii ku dhowaad shan xabadood lagaga dhuftay labada lugood,isagoo ku sugan magaalo ka tirsan dalka Spain. Moore oo 35-sanno jir ah,ayaa ku sugnaa magaalo ka tirsan dalka Spain,halkaasi oo u ku sameeynayay tababar uu siinayay Macalinkiisa Matthew Macklin isagoo isku diyaarinayay Feedhka Miisaanka dhexe oo dhamaadka bishan August ka dhici doona magaalada Dublin. Manchester Evening News ayaa sheegaysa in kooxo aan la garaneyn ay weerar ku qaadeen xiddigan hore u qaaday suunka horyaalnimada Feedhka miisaanka dhexe,waxaana kadib la dhigay cusbitaal,halkaasi oo waardiyayaal hubaysan ay ku Ilaalinayaan amaankiisa,maadaama kooxahan ay sidoo kale shalay soo weerareen. Tommy Coyle,ayaa Sky Sports,u sheegay in xaalada Moore lala tacaalayo oo la rajeeynayo ineey caadi kusoo laabato sida uu dhakhaatiirta kasoo xigtay Moore ayaa ku guulaystay sannadkii 2003 British light middleweight,ee ka dhacay Manchester isagoo xiligaa garaacay Macklin,sidoo kale waxaa uu qaatey horyaalnimada qaaradda yurub ee European champion sannadkii 2009 laakiin wixii ka danbeeyay ayuu ka fadhiistay.