Funnaanadii lagu Dhaawacay Neymar Habeenkii Xulka Colombia Oo Qiimaheedu Marayo Meel Adag

Funnaanadii lagu Dhaawacay Neymar Habeenkii Xulka Colombia Oo Qiimaheedu Marayo Meel Adag

NAYMER FUNA

Waa mid ka mid ah dhacdooyinkii xusuusta ku reebay taageerayaasha Kubadda Cagta Koobkii Adduunka ee Brazil sannadkan, markii difaaca Colombia ee Zuniga uu Dhabarka Jilib kaga dhuftay weeraryahanka Brazil Neymar, taasoo soo gaba-gabaysay u sii ciyaariddiisii xulka Samba. Haddaba Shirkadda lagu magacaabo “Bazar Sports”ayaa soo bandhigtay Funaanaddii uu xidhnaa Zuniga habeenkii uu dhaawacay Neymar, waxaana ciddii doonaysa ay kaga iibinaysaa 1,400 Dollar. Qiimaha lagu iibinayo funaanadan ayaa hadafkeedu yahay in la gaadhsiiyo kama dambays 10,000 Dollar. Qolada iibinaysa Funaanaddan waxay sheegeen in aanay wax ceeb ah ku ahayn arrintan. Dhinaca kale reer Brazil ayaa dhacdadan ay u ahayd mid aanay weligood hilmaami doonin, iyagoo ku tilmaamay in Zuniga uu si ula kac ah jilibka ugu dhuftay Neymar.