Gaadhiga Ferrari ah Oo ka samaysan Dahab oo Markii ugu horeysay lagu soo bandhigay Xaafada Ay Degaan Yihiin dadka Taajirinta Magalada London

Gaadhiga Ferrari ah Oo ka samaysan Dahab oo Markii ugu horeysay lagu soo bandhigay Xaafada Ay Degaan Yihiin dadka Taajirinta Magalada London

GAADHI DAHABA

Xaafadaha taajirinta ee ugu dalxiiska badan Magaalada London ee dalka Britain nightsbridge iyo Kensington oo ay xiliga Kulaalaha u dalxiis tagaan dadyowga ugu dhaqaalaha badan Wadamada Sucuudi Carabiya Qatar Kuwait, Dubia, Bahrain, ayaa waxa markii ugu horeysay lagu soo bandhigay Gaadhi Ferrari ah oo laga sameeyay Dahab. Gaadhigan ayaa waxa durbaba hareereeyay dad fara badan oo iyagu doonayay in ay ka qaatan Sawiro.Dadka ku dhaqan Xaafada nightsbridge and Kensington ee magaalada London ayaa aalaba soo bandhiga baabuurta ka sameysan naqshado cusub oo u gaar ah dalabkoodu xili ay ku bixinayaan Lacago xoogan. Nightsbridge iyo Kensington oo ku caan ah dalxiiska islamarkaana ay degaan dadka Taajirinta ugu waaweyn dalalka Aasiya ayaa sannad kasta lagu soo bandhigaa gaadiidka nooca raaxada kuwi ugu danbeeyay.