Gary Neville Oo shaki ka Muujiyay In Man.United xilli- Ciyaareedkan Qaadi karto Premier League

Gary Neville Oo shaki ka Muujiyay In Man.United xilli- Ciyaareedkan Qaadi karto Premier League

GARI

Kabtankii hore ee kooxda Manchester United Gary Neville ayaa aaminsan inay tahay wax aan caqliga saliimka ah galayn in macallin Louis van Gaal uu xilli ciyaareedkan Manchester United ku hogaamin karo hanashada horyaalka Premier League-ga. United ayaa xilli-ciyaareedkii hore ku dhamaysatay booska toddobaad ee kala saraynta horyaalka Premier League-ga ee 2013-14, laakiin tan iyo markii uu macallinkan cusub ku soo biiray kooxdan ayaa waxaa isasoo taraaya rajada laga qabo inay United sare u qaadi doono horyaalka sannadkan. Kooxdan ayaa xagaagan suuqa kala iibsiga ka soo qaadatay xiddigo muhiim sida Ander Herrera oo mareeyn doona khadka dhexe iyo Luke Shaw oo dambeedka bidix kaga ciyaari doono xilli ciyaareedka cusub, balse Neville ayaa rumeysan in United ay weli u baahan tahay in lagu soo daro ciyaartooy hor leh si ay ugu guuleysto horyaalka England “Haddii aan lagu soo darin laba ama saddex ciyaartooy kale, uma maleenayo inay dhab noqon doonto inay ku guuleystaan horyaalka sannadkan.”Ayuu u sheegay Sky Sports News. Si kastaba, hadalkan kasoo yeedhay difaacii hore ee kooxda Manchester United ayaa ku soo aadaya xilli kulanka ugu soo horreeya ee horyaalka Premier League-ga ay Sabtida garoonkeeda Old Trafford ku qaabili doonto kooxda Swansea City.