GAYSIIS OGAYSIIS DHAMAAN UMMADA REER SOMALILAND Waxaanu ku wargelinaynaa in maalinta sabtida 16/8/14 hadii ilahay raali ka noqdo magalada burco lagu caleemo saraayo CHIEF CAAQIL FAARAX CHIEF CAAQIL CABDILAHI MUUSE Abdulle

image haddaba caaqilka cusubi wuxuu kasoo jeedaa qoys taariikh aad u facweyn ku leh guud ahaan gayiga dadka afka somaliga ku hadlaa degaan aadna looga wada yaqaano caaqilka cusub aabihii wuxuu ahaa chief caaqiladii ugu magaca waynaa dhulka somalidu degto wakhtiyadii uu dhulka haystay gumaysigii reer europe wuxuu kaloo kamid ahaa abwaanada ugu magaca wayn ee taariikhda somalida soo maray isagoo gabayo aad u qiimo badan iyo murti badan ka tegay ilaha haw naxariistee Cabdilahi Muse Abdulle waxay kaloo caaqilka cusub walaalo ahayeen ilahay haw naxariistee xaji Cabdi Cabdilahi muuse oo ahaa abwaan ilahay xikmad iyo hal abuurnimo ku manaystay taariikh cajiibana ku lahaa guud ahaanba inta somalidu degto iyadoo labadoodba waa Cabdilahi muuse Iyo inankiisa Xaji Cabdi Cabdilahi Muuse lagu dhigan jiray maansooyin iyo gabayo ay lahayeen fasalada 7aad Iyo 8aad ee schoolada waxaanu ku kalsoonahay inuu Chief Caaqil Farax Chief Caaqil Cabdilahi Muuse hadii ilahay kusimo inuu isna taariikh cusub u dhigi doono ummada Reer Somaliland ugana tegi doono dhaxal meel mara sida ay AABIHII IYO WALALKIIBA hore ugu dhigeen taariikhda umadaha afka somaliga ku hadla oo dhan waxaanu ilahay uga baryaynaa inuu xilka iyo masuuliyada ku garab galo oo u fududeeyo xaalad kasta
Alla Mahadleh
BY M-CARAB