Gudd. Xisbiga KULMIYE Oo Bahda Saxaafadda Ka tacsiyadeeyey Geerida Maarihii Wargeyska Ogaal, Kuna Tilmaamay Shaqsi lagu xasuusan Doonno Ururinta Xogihii Halgankii SNM

Gudd. Xisbiga KULMIYE Oo Bahda Saxaafadda Ka tacsiyadeeyey Geerida Maarihii Wargeyska Ogaal, Kuna Tilmaamay Shaqsi lagu xasuusan Doonno Ururinta Xogihii Halgankii SNM

CABDI WALI IYO MUUSE

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi ayaa bahda saxaafadda Somaliland ka tacsiyadeeyey geeriyada ku timi Maareeyihii Wargeyska Ogaal Cabdi-weli Faarax Jaambiir oo maanta lagu aasay Xabaalaha Naasa-hablood ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu shalay gelinkii danbe ku geeriyooday. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku tilmaamay Marxuum Cabdi-weli in lagu xasuusan doono sida uu u ruuriyay xogaha laga hayo Sooyaalkii halganka SNM,Sidaana waxa lagu sheegay War-saxafadeed uu ku saxeexan-yahay oo maanta nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakada Hayaannews.com ee Magaalada Hargeysa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa,Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, qaraabadii,asxaabtii,bahda Saxaafadda iyo dhamaan shacbi waynaha Somaliland ee uu ka baxay Marxuum C/wali Faarax Jaambiir,wuxuu marxuumku qayb libaaxa ka soo qaatay halgankii dibu-xoraynta dalka, isagoo lagu xasuusan doona inuu ka mid ahaa shaqsiyaadka fara ku tiriska ee duubay xogaha laga hayo sooyaalkii halganka. Gudoomiye Biixi wuxuu Alle uga baryayaa marxuumka inuu u naxariisto dhamaanteena samir iyo iiman inaga siiyo. Aamin Aamin Aamin