Guddida Fulinta Xisbiga WADDANI Ee Oo Kulan Ku Yeeshay Galbeedka Magaaladda LONDON

Guddida Fulinta Xisbiga WADDANI Ee Oo Kulan Ku Yeeshay Galbeedka Magaaladda LONDON

FULINTA WADA

London(Salaanmedia.com) Gudiida fulinta xisbiga Waddani UK iyo xubno ka socday laamaha iyo marti sharaf kale oo uu ku jiray wasiir ku xigeenkii hore ee warshada Maxamed Ssleeban Wayne ayaa waxay xalay isku yimaadeen galbeedka London xafada shepherd’s bush, taas oo lagaga wada tashanaayay sidii loo dar dar galin lahaa hawuulaha hor yaala xisbiga iyo u diyaar garowga soo dhawayiinta tageeryaal aad u tiro badan oo ku soo qulqulaaya xisbiga Waddani Uk malinba malinta ka danbayiisa. Waxaana la isku afgartay in loo kalo baxo dhamaan gobalada UK oo dhan.
waxaa shirka gudoominayay gudoomiyaha xisbiga Wadddani Uk Xuseen Aadan Cade, gudoomiye ku xigeenka 2aad keenadiid C/laahi, khasnajiga guud Marwo Koos Ali, gudoomiya garabka haweenka Sainab Ismail, Afhayeenka xisbiga Khalid Ahmed iyo marti sharafta kale oo kala ah Gudoomiya lanta south eas Ali Warsame, Sadiq Amin, Mahamed Dheeg, Khadija Haji Ismail (Bandare), Amina Mohamed, Bilan Mohamed, Sainab axmed,Abdilahi Saleeban, Adbilaahi dhagwayne iyo wasir ku xigeenki hore ee warshadaha Maxamed Saleeban Wayne iyo marti sharaf kale oo aad u balaadhan.
maxamed Saleeban Wayne ayaa hadal koban oo uu halka ka jeediyay ayaa waxa u sheegay in xisbiga waddani uu manta hayisto fursad aad u qaaliya madama oo xisbigii Kulmiye ku fashilmay beentii uu dadka ka ibinyay mantana dalku uu bahan yahay isbadal. waxaa halkaas hadalo kookoban ka jeediyay Keendin iyo marti sharafti kale ee halkaa iskugu yimi. gunaanadkii shirka ayaa waxa amaan balaadhan iyo dhiri galin uu jeedisay Khadija Haji Bandare oo ku amaantay gudida sare Uk dadaalka aay ugu jiraan sidii ay uga madho dhalin lahayeen xisbiga Waddani ee UK, waxay ku amaantay Khadiiji sida aay iskugu duuban yihiin gudida sare iyo dhamaan lamaha ka dhisan UK.
Gunaandki shirka waxa uu gudoomiyaha UK Xuseen Aadan Cade uu u mahad celiyay dhamaan gudida fulinta iyo marti sharaftii kale ee shirka ka soo qayib galay
waxaa uu xisbiga Waddani Uk marwalba la qabaa shacabka somaliland in manta dalku uu u bahan yahay is badal dorashadana wakhtigi loogu talgalay lagu qabto( Xisbiga waddani waxaanu lenahay can we do it; Yes we can)