Guddoomiyaha KULMIYE Oo Ka Hadlay Dib U Dhac Ku Yimi Shirweynihii Golaha Dhexe

Guddoomiyaha KULMIYE Oo Ka Hadlay Dib U Dhac Ku Yimi Shirweynihii Golaha Dhexe

MIYA BIYAA

Hargeysa,(Salaanmedia.com):-Gudoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday in dib loo dhigay shirweynihii Golaha dhexe ee xisbigaas, balse ma sheegin wakhtigan la qabanayo shirkaasi. Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidaa ku sheegay warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay oo uu shalay soo saaray, waxaanu u dhignaa sidan: “Ujeeddo; wargalin Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mud, Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku wargalinayaa dhamaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye in dib loo dhigay shirkii golaha dhexe, xiliga la qabanayo iyo goobta lagu qabanayana gadaal laga soo sheegi doono.”